Al-shabaab oo madaafiic ku garaacday saldhiga ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku weerareen saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Qansax dheere.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya dhankooda ay tiro madaafiic ah ugu jawaabeen Al-Shabaab islamarkaana uu jiro khasaaro ka dhashay weerarkaasi.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa ay baaritaano ka wadaan degmada Qansax dheere ee gobolka Baay.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Qansax dheere ee gobolka Baay.

PUNTLAND POST