Madaxweynaha Segegal oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee dalkaas

Madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall, ayaa waraaqihiisa aqoonsiga Safiirnimo ka Guddoomay Safiirka Dowladda Soomaaliya u soo magacaawday waddanka Senegal  Danjire. Maxamed Xuseen Awliyo

Danjire Maxamed Xuseen Awliyo, ayaa nuqulka warqadihiisa aqoonsiga Danjiranimo, waxaa ka guddoomay Madaxweynaha Dalka Senegal Macky Sall, iyadoo loo sameeyay habmaamuus Qaran oo lagu soo dhaweynayay.

Safiirka Soomaaliya ee Senegal Danjire.Awliyo ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono horumarinta xiriirka dhinacyada badan leh ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Senegal.

Madaxweynaha Dalka Senegal Macky Sall ayaa dhankiisa soo dhaweeyay Safiirka cusub ee Dowladda Soomaaliya u magacawday dalkiisa, wuxuuna u ballan qaaday in uu gacan ku siin doono gudashada waajibaadkiisa safiirnimo.

PUNTLAND POST