Abaalmarinta Nobel-ka oo hay’ad la guddoonsiiyey

Abaalmarinta Nobel-ka ee Nabadda ee sannadka 2020 waxaa la siiyay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) dadaalkooda ku aaddan la dagaallanka gaajada.

Guddiga Nobel-ka ayaa sheegay in WFP ay u dhaqantay sidii xoog horkacaya dedaallada looga hortagayo in gaajada loo adeegsado hub dagaal iyo isku dhac.

Abaalmarintan ayaa qiimaheedu yahay 10m oo karoon Iswiidhish ah (£ 864,200; $ 1.1m).

guulaystaha 101aad ee ku guuleysta abaalmarintan waxaa looga dhawaaqay machadka Nobel ee Noorweey ee Oslo.

Afhayeen u hadlay WFP ayaa sheegay inay ahayd daqiiqado lagu faano. WFP waxay ku qiyaastay in ay caawiso qiyaastii 97 milyan oo qof sanadkii, oo ku kala sugan 88 dal.

PUNTLAND POST