Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO), ayaa sheegay in guud ahaan uu hoos u dhac ku yimid sanadkan tirada kiisaska xanuunka daacuunka ee Soomaaliya, marka la barbad dhigo sannadihii ka horreeyay.
Hay’adda caafimaadka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hoos u dhaca kiisaska cudurka ay sababeen wanaajinta iyo hirgelinta waxqabadka ka hortagga oo ay ku jiraan ololaha tallaalka cudurka daacuunka iyo xoojinta howlaha biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda goobaha.
WHO, ayaa xaqiijisay in ay sii wadi doonto hirgelinta waxqabadka yareyn kara faafitaanka cudurka,iyadoo kaashaneysa hogaaminta iyo taageerada maamulada caafimaadka dalka.
PUNTLAND POST