
Saraakiisha u sarraysa Taliska ciidamada qalabka sida ee Mareykanka, ayaa shalay shaaciyay in ay si iskood ah isu karantiileen, kaddib markii sarkaal sare oo ka tirsan Taliskaasi laga helay xanuunka COVID-19.
War Qoraal ah oo ka soo baxay Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka, ayaa lagu sheegay in Taliyaasha is kaarantiilay ay ka mid yihiin Taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida Gen. Mark Milley iyo ku xigeenkiisa Gen. John Hyten.
Saraakiisha is karantiilay, ayaa dhawaan xarunta Waaxda Gaashaandhiga ee Pentagon-ka kula kulmay Taliye ku xigeenka ciidamada llaalada xeebaha Mareykanka Adm. Charles W. Ray, kaas oo habeenkii Talaadada laga helay COVID-19.
Afhayeen u hadlay Pentagon oo lagu magacaabo Jonathan Hoffman, ayaa sheegay in Taliyaasha ciidanka Qalabka sida ee Mareykanka laga qaaday tijaabada caafimaadka, balse laga waayay xanuunka coronavirus.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.