Tigreega oo amar ku bixiyay in ay is casilaan dhamaan Xubnaha ka matala dowlada Federaalka Itoobiya

Xisbiga TPLF ee Qowmiyadda Tigreega, ayaa amar ku bixiyay in ay is casilaan dhammaan xubnaha degaanka Tigreega ku matala Golayaasha dowladda Federaalka Itoobiya.

Xubin ka tirsan guddiga fulinta Xisbigaas, oo lagu magacaabo Getachew Reda, ayaa warbaahinta u sheegay in mudda-xileedka Golayaasha Dastuuriga ah ee dowladda Federaalka Itoobiya uu ku ekaa Isniintii Shalay.

Maalinti shalay ahayd, labada gole ee dowladda Federaalka Itoobiya, waxay yeesheen munaasabadda furitaanka kulankoodi caadiga ahaa, kaas oo Xisbiga TPLF uu ku baaqay in ay ka baxaan Xubnaha matala degaanka Tigreega.

Xildhibaannada deegaanka Tigreega ka soo jeeda waxaa loo sheegay iney kulankaasi isaga baxaan. Baarlamaanka oo keli ah ma aha waxa amarka la siiyey, balse dhammaan xubnaha deegaanka Tigreega ugu jira qaab dhismeedka dowladda dhexena sida oo kale ayaa lagu amray” ayuu yiri Getachew Reda.

Kulanka labada gole oo ka qabsoomay xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya, waxaa khudbadd furitaanka oo ku saabsanayd jihooyinka siyaasadeed ee dowladda Itoobiya ee sanadkan u billowday soo jeedisay madaxweynaha dalkaasi Sahlewarqi Zewde.

PUNTLAND POST