Al-shabaab oo weerar xooggan ku qaaday Baardheere

Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa xalay weerar xooggan ku qaaday saldhiga Ciidamada Dowladda Federaalka ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaas oo uu ka dhacay dagaal khasaare kala duwan dhaliyay.

Dadka Degaanka ayaa laga soo xigtay, in mudadii dagaalku socday ay maqlayeen dhawaaqa Rasaasta ay isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Shabaabka weeraray saldhiga, inkastoo oo aan weli la xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka, oo la hadlay warbaahinta, ayaa u sheegay in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhanka Shabaab isla markaana uu dhacay dagaal muddo kooban socday.

Al-shabaab ayaa dhawr jeer oo hore weeraro kala duwan ku qaaday Saldhigyo Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ku leeyihiin degmada Baardheere, kuwaas oo qaarkood ay ka dhasheen Khasaaro kala duwan.

PUNTLAND POST