
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ugu tegay Amiirka cusub ee dalka Kuweyt Sheekh Nawaaf Al-Axmed Al-jaabir Al-sabaax ayaa gaarsiiyey tacsida Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan geeridii Alle ha u naxariistee Amiirka dalkaas Marxuum Sabaax Al-Axmed.
Labada Hoggaamiye ayaa iska xogwareystay mustaqbalka xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay leedahay in la sii joogteeyo iskaashiga ku saleysan walaaltinimada iyo is-garab istaagga, iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada geerida Amiir Sabaax ay ula qeybsanayaan dalka kuweyt.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha waxa uu tacsida la wadaagay Guddoomiyaha Golaha Ummadda dalka Kuweyt Marsuuq Alqaanim, Dhiggiisa dalkaas Sabaax Khaalid Al-Axmed, Ku-xigeenka Taliyaha Ciidammada Ilaalada Qaranka Mishcal Al-Axmed, Amiirrada iyo dhammaan xubnaha Qoyska reer Sabaax ee haya talada dalka Kuweyt.
Intaas kaddib, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu booqday qabriga Marxuum Sheekh Sabaax Al-Axmed oo uu u soo duceeyey, Eebbana uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.