Ra’iisul wasaare Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Kuweyt

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kuwait ee caasimadda waddanka Kuwait.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa Kuweyt kaga qayb-galaya tacsida iyo ducada loo samaynayo Amiirkii geeriyooday ee dalkaas Sheikh Sabaax Al-Axmad Aala-sabaax.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale inta uu Kuweyt joogo la kulmi doona Amiirka cusub ee dalkaas iyo mas’uuliyiin kale kuwaas oo uu kala hadli doono xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

PUNTLAND POST