Madaxweyne Trump oo taageerayaashiisa isbitaalka uga soo baxay

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa muddo kooban ka maqnaa cisbitaalka sii uu u soo salaamo taageerayaashiisa oo ku sugnaa bannaanka cisbitaalka lagu daweynayay.

Madaxweyne Trump, ayaa ku jiray gaari madow waxaan la arkayey isaga oo afka xiran islamarkana taageerayaasha uga gacan hadiyay gaarigii uu ku jiray.

Madaxweynaha ayaa mar sii horreysay bartiisaa Twitterka ku qoray in uu si kedis ah ula kulmi doono taageeraayiisha.

Madaxweyne Trump, ayay ahayd markii ugu horeysay oo lagu arko meel fagaare ah tan iyo markii Jimcihii laga soo qaaday Aqalka Cad oo la dhigey isbitaalka ku yaal duleedka magaalada Washington.

Muuqaal kooban oo maalin ka hor  laga soo duubay, ayuu ku sheegay in caafimaadkiisu uusan wanaagsanayn markii la geeyay isbitaalka Walter Reed, balse haatan uu soo fiicnaanayo, islamarkaana rajaynayo in uu dhakhso u bogsado.

Sidoo kale, wuxu u mahad celiyay dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee isaga daweyntiisa ku howolan iyo hogaamiyeyaasha caalamka ee usoo diray farriimaha ay wanaagga iyo caafimaadka ugu rajeynayeen.

PUNTLAND POST