
Shirka 5-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay wehliyaan labadiisa ku xigeen Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa warbixinno looga dhageystay Madax-guddiyeedyada Baarlamanka.
Warbixinnada laga dhegaystay Madax-guddiyeedyada ayaa ku saabsanaa Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha bulshada, Qorsheynta, Deegaanka, Arrimaha gudaha, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo kormeero iyo kulamo ku aadanaa xog-isweydaarsi, waxqabadka, qorshayaasha iyo caqabadaha jira ee ay Hay’adaha Dawladu la wadageen Guddiyada , gaar ahaan wax ka qabashada kor u kaca iyo is bedelka ku yimi sarifka shillinka Soomaaliga.
Dhinaca kalena, Guddigu waxay soo-jeediyeen in Guddiga gaarka ah ee goluhu u-xilsaaray Wacyi-gelinta Caabuqa COVID-19 ay dar-dargeliyaan Wacyi-gelinta bulshada iyo booqashada Xarunta caafimaadka, si loo ilaaliyo bed qabadka caafimaadka iyo Fayo-dhawrka shacabka Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.