Wasiirka Amniga Hirshabeelle oo la kulmay Madaxda Midowga Afrika

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Kheyre, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay  Danjire Francisco Madeira oo ah Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka AMISOM Jeneraal Ndegeye.

Labada dhinac ayaa kulanka xoogga ku saaray  howlgalada ka dhanka maleeshiyada Al-Shabaab, laguna xaqiijinayo amniga degaannada Hirshabeelle.

Sidoo kale, Wasiirka amniga Hirshabeelle, Danjire Francisco Caetano Madeira iyo General Ndegeye ayaa isla soo hadal qaaday amniga doorashooyinka Hirsahabeelle iyo sidii loo sugi lahaa.

Maamulka Hirshabeelle, ayaa galaya marxalad doorasho, maadama mudda xilleedka dastuuriga ah ee maamulka uu dhammaadyahay.

PUNTLAND POST