Madaxweyne Trump oo ka hadlay xaaladdiisa Caafimaad

Madaxweynaha Waddanka Maraykanka Donald Trump, oo xalay ka hadlay xaaladdiisa caafimaad maalmo kadib markii laga helay xanuunka COVID-19, ayaa sheegay in uu soo fiicnaanayo.

Muuqaal kooban oo laga soo duubay, ayuu ku sheegay in caafimaadkiisu uusan wanaagsanayn markii la geeyay isbitaalka Walter Reed, balse haatan uu soo fiicnaanayo, islamarkaana rajaynayo in uu dhakhso u bogsado.

Madaxweyne Trump, oo codkiisa laga dareemayay xoogaa daal ah mudadii uu hadlayay, ayaa muujiyay niyad-wanaag ku aaddan in uu ka bogsan doono xanuunka.

Sidoo kale, wuxu u mahad celiyay dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee isaga daweyntiisa ku howolan iyo hogaamiyeyaasha caalamka ee usoo diray farriimaha ay wanaagga iyo caafimaadka ugu rajeynayeen.

PUNTLAND POST