
Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladdaha Hoose iyo horumarinta Reer miyiga ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa kulan xarunta Golaha Wakiillada kula qaatay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Puntland ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay June illa September 2020 iyo weliba caqabadaha jira.
Wasiir Dhabancad ayaa sidoo kale su’aalo laga weydiiyay arrimaha uu ka hadlay, isla markaana Guddigu waxay tilmaameen in ay u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda ayna doorkooda ka qaadanayaan.
Kulanka Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo hor-marinta reer miyiga ee Golaha Wakiillada DPL ay la qaateen Wasiirka Wasaaradda ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Golaha Wakiillada DPL ee la socoshada Hay’adaha fulinta dalka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.