Dagaalka Ciidamada Dowladda Federaalka iyo koox ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dableey ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Kolonyo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Awdheegle, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaal culus oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu dhex-maray Ciidamada dowladda iyo Ururka Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada dowladda dagaalka, kadib ay sii wateen socdaalkooda.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, kaas oo ay khasaare ku gaarsiiyeen.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay weerarka ku dishay ilaa 9 Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda, sidoo kalena ay gaari ka gubeen.
PUNTLAND POST