Madaxweyne Deni oo u dhoofay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta oo jimce ah safar ugu ambabaxay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu shaaciyay in Madaxweyne Deni uu safar ugu baxay Magaalada Nairobi, balse wax faahfaahin ah kama bixin ujeedka Safarka Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa muddo bil ah Muqdisho u joogay Shirarkii Arrimaha Doorashada, taasi oo lagu guuleystay in la go’aamiyo lana ansixiyo iyadoo xalayna lasoo dhameystiray soo gudbinta habka, guddiyadda, habraaca iyo jadwalka doorashadda.

PUNTLAND POST