Wararkii u dambeeyay ee Shirka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka, oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda war-murtiyeed ka soo saaraan shir mudda laba cisho ah uga socday Magaalada Muqdisho.

Shirka oo soo bilowday habeen hore, ayaa ku saabsan dhammaystirka Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, gaar ahaanna Jadwalka Doorashada 2020/2021 iyo dhismaha guddiyadii ka shaqayn lahaa Doorashadaas.

Wararkii u dambeeyay ee Villa Somalia laga helayo, waxay sheegayaan in isfaham laga gaaray Shirka,  islamarkaana la isku afgartay dhismaha saddex gudddi oo ku shuqul leh Arrimaha Doorashada.

Saddexda Guddi, waxay kala yihiin Guddiyada Doorashada heer Federaal & heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada kuwaas oo ay kala magacaabi doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

War-murtiyeedka Shirka, ayaa la filayaa in lagu caddeeyo Qodobada ay ka wada-hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ee ku shirsan Muqdisho.

PUNTLAND POST