Madaxweyne Trump oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markale si ba’an u weeraray Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congreska waddanka Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa Ilhaan Cumar ku eedeeyay in ay tahay qof musuq maasuq badan haddana ka sheekaynaysa sida dal loo maamulo.

Waxaan aqrinayay warbixinnadeeda muddo laba sano ah oo ku saabsan sida ay u musuqmaasuq badan tahay , Miyad rumaysanaysaan? Sidaas weliba ayay inoogu sheegeysaa sida dal loo maamulo.”

Sidoo kale Trump wuxuu musharraxa madaxtinimada ee xisbiga dimuqraadiga Joe Biden ku eedeeyay in gobolka Minnesota uu doonayo in uu ka dhigo xero qaxooti.

Wuxuu kale oo sheegay in Mr Biden uu doonayo in uu meesha ka saaro xayiraadda dhanka safarka ah ee lagu soo rogay muwaadiniinta dalalka ay taagan yihiin dagaallada’

PUNTLAND POST