Miyuu Xasan Daahir Aweys ka xuquuq badan yahay Mukhtaar Roobow?

W. Q. C.C. Xuseen

Muqdisho (Faallo) — Xasan Daahir Aweys oo xabsi-guri ku jira ayaa marba magaalada Muqdisho ka soo duuba hadallo gefef xambaarsan. Hadalkii ugu dambeeyay wuxuu ku weeraray Madaxweyaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xaflad soo dhoweyn ah loogu qabtay Muqdisho.

Wuu dhaliili karaa Madaxweyene Deni waxaase i mari wayday inuu Xasan Daahir Aweys isu arko inuu ka mid yahay koox Soomaalida diinta soo gaarsiisay gaar ahan markuu leeyahay “hadda dadku ‘Asalaamu Calaykum’ bay yiraahdaan’”.

Xasan Daahir waa ninka isagoo aan isogeyn u shaqaynayay Itoobiya. Meles xaalladdu way ku adkayd 2006-dii waayo ciidankiisu waxay laayeen in ka badan 300 oo qof oo ka mudaaharaaday doorashooyinkii EPRDF ku shubatay 2005-tii. In Urur maxkamado uu Soomaaliya ka soo baxo kaddibna nin taliye Mooryaan ahaa, Yuusf Indhacadde, uu ku baaqo inuu weerarayo Addis Ababa kaddibna diyaarad raaco waxay muujinaysay wajiga dhabta ee Ururkii Maxkamadaha, oo madaxdidiisii sarsare ay dhowraysay danaha beelihii maleeshiyaadka lahaa oo boobka iyo barakicinta Soomaaliya ka waday.

In colaad ka dhan ah Itoobiya lagu baaqo waxay ahayd qiiq isku qarin. Xitaa madaxii hore ee Al-shabaab, Sheekh Axmed Godane, wuu ka hadlay sida kooxo beeleedyo u rabeen inay ku adeegtaan Ururkii Maxkamadaha.

Cadaalad-darro: Maxay Mukhtaar Roobow u saaran tahay xannibaad aan saarnayn Xasan Daahir Aweys?

Xasan Daahir way iska hor yimaadeen Sheekh Godane, waa sababta Xasan ururkiisii, Xisbul islaam, u shaqayn waayay waana sababta uu uga soo cararay Al-shabaab.

Muxuu Xasan Daahir Aweys u helaa fursad uu haddallo aan munaasab ahayn uga soo duubo guriga uu ku xiran yahay? Miyuu ka magac-weyn yahay ama ka xuquuq badan yahay Mukhtaar Roobow oo aan xitaa loo oggolayn inuu kulammo abaabulo?

Dowladda Federaalku raali bay ka tahay inuu Xasan Daahir Aweys jabiyo amarrada u diidaya inuu olole siyaasadeed galo ama uu hadallo kicin ah ama qof weerar ah soo tabiyo.

Diin ahaan Soomaalidu waxay ay ahayd dad isu dulqaata. Dhaqdhaqaayada Carabtu soo maalgelisay si Soomaaliya u noqoto dal loogu soo gabbado eedeynta inay gabbaad u yihiin argagixo waxaa ka kow ahaa Ururkii Maxkamadaha iyo ururrada kale ka soo farcamay. Waa maxay faraqa u dhexeeya ururrada diimeed oo hay’ado Carbeed lacag ka soo qaata iyo ururkii qabqableyaashu sameeyeen 2006-dii si ay ula dagaallamaan wax ay u bixiyeen”aragagixiso”?

Xasan Daahir Aweys eedda lama wada saari karo. Eeedda ugu weyn waxaa leh dowladda federaalka oo u oggol inuu hadallo qolkiisa ka soo duubo oo Youtube geliyo. PP©

W. Q. C. C. Xuseen

Muqdisho