Garsoore Maraykan ah oo hakiyay xayiraadda lagu soo rogay TikTok

Garsoore Maraykan ah, ayaa Axaddii Shalay amar ku bixiyay in si ku meel gaar ah loo hakiyo Xayiraadda lagu soo rogay in la soo dejisto App-ka TikTok ee laga leeyahay Waddanka Shiinaha.

Garsoore Carl Nicholas oo ka tirsan maxkamadda degmada Columbia, ayaa sheegay in uu amarkaas u bixiyay, si uu xuquuqdiisa iyo xuquuqda dadka kale ay leeyihiinba ugu difaaco.

Balse, dadki xayiraadda ka hor soo dejistay oo horay u isticmaali jiray App-ka TikTok, ayaa la xaqiijiyay in aysan xayiraadu saamaynnayn.

Qofka Mareykanka ku sugan, haddii App-ka TikTok uu damco inuu cusbooneysiisto ama uu markale soo dejisto uma suuragaleyso, maadaamaa la manuucay.

Garyaqaanno dowladda Mareykanka u dooda, ayaa xayiraadda App-ka TikTok ku tilmaamay mid looga hortagayo App-ka maadaamaa uu u adeego Xisbiga Shuuciga ee dalka Shiinaha (CCP).

PUNTLAND POST