
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa Maanta oo Isniin ah hor-tegay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Puntland oo su’aalo ka weydiiyay Cabashooyin ay Guddiga u soo gudbiyeen Hay’adda Horumarinta Waddooyinka iyo Hay’adda Qandaraasyada iyo Iibka Puntland.
Fadhiga maanta ee Guddiga joogtada ah oo uu hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xassan Shire Abgaal ayaa wax laga weydiiyay Cabashooyinka Hay’adahaas oo ku saabsanaa in aysan helin khidmadihii loogu jideeyey xeerarka ay ku dhisan yihiin kuna fulin lahaayeen waajibaadkooda shaqo.
Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa faah-faahin ka bixiyey arrinta cabashooyinka ee la soo hor-dhigay, waxaana uu sheegay in aaney marna soo gaarin Xafiiskiisa wax cabasho ah oo ku saabsan Hay’adda Horumarinta Waddooyinka DPL, balse waxa uu xusay inay kulmeen Hay’adda Qandaraas-bixinta iyo Iibka DPL uuna ka qanciyey cabashadii ay ula tageen.
Wasiirku waxa uu Guddiga u xaqiijiyey inuu diyaar u yahay in uu ka qanciyo Hay’adaha ku shaqada leh cabasho kasta oo ay qabaan Hay’adaha kor ku xusan, ka dib waxaa Guddigu su’aalo ka weydiiyeen cabashooyinka ka soo gaarey Hay’adahaas.
Intaa ka dib, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil wuxu arrintaas u magacaabay Guddi ka soo talo-bixiya soona lafa gura, kuwaas oo warbixin ku soo celiya Golaha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.