Madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabi waayay su’aalo lagu weydiiyay dood ku saabsan Doorashada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marti ku ahaa dood cilmiyeed uu soo agaasimay Machadka Raas ee Falaanqeynta Siyaasadda ayaa sheegay in Dowladdu ay dadaal ku bixisay in Doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo

Isu-tanaasulku waa arrin xoojiya dowladnimada iyo hirgelinta sharciga, waxa uu adkeeyaa xasilloonida iyo wadajirka. Tanaasulkii aan sameeyey ee arrimaha doorashada waa mid aan uga gol lahaa arrimahaas. Dhanka kale, waxaan qorsheynaynaa in laga bilaabo bisha Nofeembar ee sanadkan ay bilaabato soo xulista Xildhibaannada, si bilowga sanadkan aan ugu guuleysanno soo xulista Xubnaha Baarlamaanka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka jawaabay weydiimaha qaar ka mid ah shacabka ee qeybta ka ahaa Dood-cilmiyeedkan, su’aalahaas oo ay ka mid ahayd wakhtiga qabsoomidda doorashada, doorka dhallinyarada ee isbeddelka siyaasadeed ee sanadka 2021-ka, sababaha ay u qabsoomi weyday doorashada qof iyo cod ah, guulaha iyo caqabadaha dib u heshiisiinta.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka jawaabi waayay su’aalo laga weydiiyay Arrima ay kamid yihiin halka lagu dooranayo Xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doorto Gobollada Sool iyo Sanaag.

PUNTLAND POST