Muqdisho (Wararka PP) — Nooc qamaar ah oo Soomaaliya aan hore uga jirin ayaa hadda faro-ba’an ku haya dhallinyarada Soomaaliyeed.
Kulan Sports waa saldhig fadhigeedu Tansaaniya yahay hase ahaatee si sharcidarro ah uga ganacsata Soomaaliya. Shirkaddu waxay dadka ku tartansiisaa sheegidda natiijooyinka ciyaaraha kubadda cagta ee kooxaha qaaradda Yurub iyo kuwa ka dhaca qaarado kale

Kulan Sports waxa ay kaga duwan tahay shirkadada sharadka ciyaaraha waa iyada oo aan qofka ku xirin kaar bangiyeed. Marka uu qofka sharadka dhiganaya isdiiwaangeliyo wuxuu adeegsanayaa EVC, Zaad ama Sahal si uu marka hore u dhigto Kulan Sports lacag hormaris ah oo dhan 0.50 Doollar. Halkii ciyaar qofku wuxuu dhigan karaa lacag aan ka badnayn 90 Doollar.
Milkiilayaasha Kulan Sports way qariyeen haybtooda. Waxay ku guuleysteen inay shirkadaha isgaarsiinta leh EVC, Zaad iyo Sahal ku qanciyaan inay hoy ganacsi siiyaan shirkad qamaarka ciyaaraha si sharcidarro ah uga hirgalisay Soomaaliya. Hormuud Telecom ayaa fidisa taleefanka adeegga xiriirka macaamiisha ee Kulan Sports.

Sooyaan (ma aga magaciisa dhabta ah) wuxuu ka cabanayaa hiwaayadda dhigashada sharadka oo uu marar badan ku qaamoobay. “Amaah ayaan saaxibbaday ka qaatay waayo sharadka la igaga guulaystay baa aad uga badan kan aan ku guuleystay” ayuu Puntland Post u sheegay.

Waa in qofka sharadka dhigtay uu natiijooyinka laba ciyaarood iyo wixii ka badan si sax ah u saadaaliyo si uu u guuleysto. Haddii uu mid gefo wuu guuldarraysanayaa. “Adeegyada lacagaha la iskugu diro may oga” in Kulan Sports adeegsato adeegyadooda, buu yiri Cabdiraxmaan Aadan, oo ah gorfeeye maaliyadeed oo ku sugan Nayroobi.
Weli shirkadaha isgaarsiintu kama falcelinin fududaynta qamaarka aan sharciga ahayn ee Kulan Sports ka hirgelisay Soomaaliya markii ugu horreysay.
© Puntland Post, 2020
You must be logged in to post a comment.