
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho Kulan gaar ah kula yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).
War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Guddoomiye Cumar Finish uu Madaxweyne Deni ku bogaadiyay doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada dalka.
“Guddoomiye Cumar Finish ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ku bogaadiyey doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada dalka.”
Madaxweynaha Puntland ayaa isna uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Dadweynaha Muqdisho soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.