Axmed Madoobe oo taageero weyn u muujiyay Maqaamka Muqdisho

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo hadal ka jeediyay xaflad Muqdisho loogu sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka, ayaa si furan uga hadlay doodda ka taagan Maqaamka Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa ku baaqay in mudnaanta kowaad la siiyo Maqaamka iyo Matalaadda Magaalada Muqdisho, islamarkaana Hannaanka Sharciga ah loo maro hirgelinta Maqaamka iyo Matalaadda Muqdisho.

Madaxweynaha Jubaland, wuxuu tilmaamay in Muqdisho ay tahay Caasimadda Soomaaliya oo aysan jirin cid gaar uga xigta Muwaadiniinta kale ee Soomaaliyeed, sidaas darteedna aysan cidna gaar u sheegan Muqdisho.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Muqdisho aysan u baahnayn guddoomiye loo soo magacaabo oo marba la beddelo, balse ay u baahantahay gole maamul oo dhisan iyo dhaqaale dib loogu celiyo, si wax looga qabto baahiyaha ka jira Magaalada.

Hoos ka daawo Khudbaddiisa

PUNTLAND POST