Milateriga Soomaaliya oo shaaciyay in ay dileen 13 Al-shabaab ah qaraxyana fashiliyeen

Taliska Ciidanka Milateriga Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlgal qorshaysan, oo ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen tuulooyin ka tirsan Degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Taliyaha Ururka 143-aad ee Milateriga Soomaaliya, Dhamme Axmed Xasan Siyaad, ayaa Wakaaladda Wararka SONNA ka soo xigatay in Hawlgalkaasi lagu dilay ilaa 13 xubnood oo ka tirsan Al-shabab.

Taliyaha ayaa sidoo kale laga soo xigtay, in Hawlgalka lagu qabtay qaraxyo ay Al-shabaab ku diyaarinayeen duleedka Degaanka Bariire iyo tuulooyin hoostaga, kuwaas oo ay doonayeen in ay Shacabka ku dhibaateeyaan

Ciidamada Milateriga Soomaaliya, oo hawlgalo xiriir ah ka wada Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa todobaadyadii u dambeeyay guulo ka sheegtay Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

PUNTLAND POST