Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulmay Madaxa hay’adda WFP ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Maanta oo Isniin ah xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay, wefdi uu hoggaaminayo Madaxa hay’adda WFP Soomaaliya Cesar Arroyo.

War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Kulanka Madaxweyne ku xigeenka iyo Madaxa hay’adda WFP Soomaaliya looga hadlay, dardar-gelinta Kaalmada Banii’aadanimo iyo Mashaariicda kale ee WFP ka waddo Puntland.

Kulanka waxa looga wada hadlay kaalmada Bini’aadantinimo iyo mashaariicda kale ee WFP Puntland ka wado iyo sidii loo dar-dar galin lahaa.” Ayaa lagu yiri Qoraalka.

Kulanka waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Madaxtooyada.

PUNTLAND POST