Madaxweyne Trump oo booqday goobaha uu dabka ka kacay ee Gobolka California

Madaxweyne Trump, ayaa meesha ka saaray walaaca laga muujiyay dhibaatada isbedelka cimilada, xilli uu booqday goobaha dabka uu ka hurayo ee gobolka California.

Dabka ka kacay gobolada California, Oregon iyo Washington ayaa baabi’iyay dhul badan kaas oo ay ku naf-waayeen ugu yeraan 36 ruux tan iyo horaanta bishii August ee sanadkan.

Dadka naqdiya siyaasadda Trump, ayaa sheegay in sababta dabka soo cel celisay ay tahay maamul xumo dhanka keymaha ah.

Gobolka California ayaa ah halka uu sida weyn u saameeyay dabka, iyadoo 25 ruux ugu geeriyoodeen dabkaasi.

Waaxda Qaran ee cimilada, ayaa digniin adag ka soo saartay dabka in uu saameyn karo gobolo kale ee Mareykanka.

PUNTLAND POST