
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Milateriga Soomaaliya Generaal Odowaa Yuusuf Raage.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Lafta-gareen uu Warbixin ku saabsan Amniga iyo Guulaha laga gaaray Ciribtirka Al-shabaab ka dhegaystay Taliyaha, islamarkaana Gen. Odowaa uu sheegay in Alshabaab qasaaro iyo jab xoogan loogu geystay howlgaladii ka socday qeybo kamid ah Gobolada Koonfur Galbeed.
Taliye Odowaa ayaa sidoo kale Kulanka ka sheegay, in ay sii socon doonaan Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo xusay in dhowaan ay bilaabi doonan Furida wadooyinka iyo xoreynta Goobaha ay Al-shabaab kaga harsan yihiin Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Madaxweyne Lafta-gareen, ayaa isna bogaadiyey Howlgalada ay wadaan Ciidanka Milateriga Soomaaliya ee lagu si feynayo Al-shabaab, kuwaas oo ka socda Koonfur Galbeed, waxaana uu Xusay in Maamulkiisa ay ka go’antahay La-dagaallanka Argagixisada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.