Milateriga Soomaaliya oo shaaciyay in ay dileen laba horjooge oo ka tirsan Al-shabaab

Taliska Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay saacadihii la soo dhaafay laba hawlgal oo kala duwan ku khaarajiyeen laba horjooge oo ka tirsan Al-shabaab.

Hawlgalka kowaad oo ka dhacay meel qiyaastii 45KM dhanka Galbeed kaga beegan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa lagu dilay horjooge Ibraahim Macallin Cabdi oo magaciisa afgarashadu yahay Geney.

Saraakiishu waxay sheegeen in Horjooge Geney uu Al-shabaab u qaabilsanaa Degmooyinka Baydhabo iyo Bardaale ee Gobolka Baay.

Hawlgalka labaad oo ka dhacay Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose ayay Saraakiishu sheegeen in lagu khaarajiyay horjooge Aaden Yuusuf Sheekh Maxamuud (Abu-Salmaan) oo Al-shabaab u qaabilsanaa Jubbooyinka.

Hawlgalka Jamaame waxa sidoo kale lagu dilay afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo weheliyay horjoogaha la dilay sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha.

PUNTLAND POST