Beesha Caalamka oo bogaadisay Shirka Muqdisho

Dalalka iyo Ururada ku midaysan Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka, ayaa soo dhoweeyay Shirka Muqdisho uga socda Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.

Qoraal ka soo baxay Beesha Caalamka, ayaa lagu boorriyay Madaxda ku shirsan Muqdisho, in ay si buuxda uga qayb-qaataan Wada-hadalka, si heshiis ballaaran looa gaaro hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo, lana hirgelin karo.

Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah oo ujeeddadiisu tahay in heshiis ballaaran laga gaaro hanaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo lana hirgelin karo”.

Sidoo kale, waxaa Madaxda loogu baaqay in ay Saamileyda kale ee Siyaasadda Dalka ka qayb-geliyaan wada-tashiga Arrimaha Doorashada, si loo ballaariyo Taageerada Beesha Caalamku u hayso Heshiiska ay gaaraan iyo Hirgelintiisa.

Qoraalka waxa si wadajir ah u soo saaray Dalalka Belgium-ka, Boqortooyada Midowday ee Britain, Denmark, Dowladda Maraykanka, Finland, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Ireland, Itoobiya, Japan, Jarmalka, Masar, Midowga Yurub, Norway, Qadar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Turkey, Uganda, Urur-Goboleedka (IGAD), iyo Qaramada Midoobay.

PUNTLAND POST