Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Soomaaliya oo xilka la wareegay

Kuxigeenka Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo dhowaan Madaxweyne  Farmaajo u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoomtay Villa Soomaaliya waxa uu xilka kala wareegay Agaasimihii horay u hayey xilkaas Cabdirisaaq Xuseen Aadan.

Agaasime Cabdinuur oo soo bandhigay qorshe ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Soomaaliya iyo dhiirri-gelinta ka qeybgalka dhallinyarada ee hoggaaminta dalka ayaa ka rajeeyey dhammaan howlwadeennada Dowladda in ay ku garab istaagaan gudashada mas’uuliyadda loo igmaday.

Qof kasta oo dhallinyaro ah waxa uu halbeeg u yahay howl gudashada iyo kartida dhallinyaradeenna Soomaaliyeed, sidaas darteed waa in aan si mug leh uga soo dhalaalno waajibka nooga aaddan dalka iyo dadka. Waxaan hiigsanayaa in aan ka miro dhallinno fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed uga furan hoggaaminta dalka.” Ayuu yiri Cabdinuur.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ku ammaanay Agaasime Cabdinuur howl gudashada wanaagsan iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada sanadihii la soo dhaafay, waxa uuna kula dardaarmay in uu rumeeyo yididiilada iyo horumarinta shaqada ee laga filayo.

Munasaabaddan waxaa ka soo qeyb galay sii-hayaha Wasiir Kuxigeenka Amniga Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse, Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ee Maamulka iyo Maaliyadda  Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim, Lataliyaal, Agaasime Waaxeedyada iyo Howlwadeennada Madaxtooyada.

PUNTLAND POST