Al-shabaab oo weerar culus ku qaadday Saldhiga AMISOM ee Duleedka Muqdisho

Ururka Al-shabaab ayaa Xalay weerar culus ku qaaday Saldhiga Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Degaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay Rasaas iyo madaafiic xooggan ku garaaceen Saldhiga lagu magacaabo Arbacow oo ku yaalla Degaanka Ceelasha Biyaha halkaas oo ay deggan yihiin Ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa dhankooda weerarkaas kaga jawaabay Hubka culus waxana la sheegay in ay iska difaaceen inkastoo aan faahfaahin sugan laga helin khasaaraha labada dhinac.

Dhinaca kale weli lama xaqiijin haddii weerarkaas Khasaare ka soo gaaray Shacabka ku nool Degaanka Ceelasha Biyaha iyo Nawaaxigiisa.

PUNTLAND POST