Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo gelinkii dambe ee Shalay safar aan la sii shaacin ku tegay Magaalada Nairobi ee Xarunta Waddanka Kenya, ayaa la xaqiijiyay in uu halkaasi kula kulmay Saraakiil ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa la sheegay in uu fiidnimadii Xalay kulan gaar ah Nairobi kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Dowladda Imaaraadka Carabtu ku leedahay Dalka Kenya, oo uu hoggaaminayo Sii haya Safiirka Imaaraatiga ee Nairobi Xuseen Darwiish Al-shamsi.
Al-shamsi oo sidoo kale Imaaraadka u qaabilsan Arrimaha Sirdoonka Geeska Afrika, ayaa saaxiib dhow la’ah Ganacsade Liibaan Tahliil oo ka soo jeeda Galmudug, kaasi oo fududeeyay Kulanka Qoor Qoor iyo saraakiisha Imaaraadka.
Wararka qaar waxay sheegayaan, in Madaxweyne Qoor Qoor uu Saraakiisha Imaaraadka ka dalbday taageero dhinacyo kala duwan ah, oo ay ku jirto Tababarka Ciidanka, Qalabayntooda, dhismaha Mashaariic horumarineed iyo taageero dhaqaale.
PUNTLAND POST