Odayaasha iyo Waxgaradka Tuulada Xidhxidh oo raalli-gelin iyo magdhow ka dalbaday Puntland

Mid kamid ah carruurta ku waxyeellowday weerarka

Odayaasha iyo Waxgaradka Tuulada Xidhxidh, oo ku taalla Koonfurta Gobolka Sool, ayaa si adag u cambaareeyay hawlgal qorshaysan oo ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ay laba habeen ka hor ka fuliyeen Degaankaas.

Hawlgalka waxa la doonayay in lagu qabto nin ku eedaysan dilka Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed, kaas oo 9-kii Agoosto 2020 lagu dilay gudaha Magaalada Gaalkacyo.

Waxaase la xaqiijiyay in Hawlgalkaas ay waxyeello ka soo gaartay carruur yar yar oo gurigooda hurday, balse aan lagu guulaysan in la qabto ninka ku eedaysan dilka oo mar lagu sheegay Degaanka Xidhxidh.

Haddaba, Odayaasha iyo waxgaradka Tuulada Xidhxidh ayaa Xukuumadda Puntland ka dalbaday in ay raalli-gelin iyo magdhow deg deg ah ka bixiso waxyeellada loo gaystay Carruurta iyo maatada guryahooda hurday.

PUNTLAND POST