Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo weli ku sugan Muqdisho, ayaa lagu wadaa in uu Maanta la kulmo Sii haya Xilka Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Kulanka labada mas’uul, waxaa looga hadlayaa xallinta Arrimaha Puntland ka tabanayso Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota.
Madaxweyne Deni, ayaa Muqdisho ka wada kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Mas’uuliyiinta heer Federaal, Hoggaanka Xisbiyada, siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo madax hore xilal uga soo qabtay waddanka.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo Muqdisho gaaray Talaadadii todobaadkii hore, ayaa halkaas u jooga shir la xiriira Turxaan-bixinta Heshiiskii Dhuusamareeb 3, oo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubaland.
PUNTLAND POST