Webiga Shabeelle oo ku fatahay Beledweyne iyo barakac xoogan oo halkaas ka socda

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa saaka ka bilwoday barakac xooggan, kadib markii Webiga Shabeelle oo dhexmara magaalada uu mar kale  fatahaad ka sameeyay xaafado ka tirsan Beledweyne.

Biyaha Webiga, ayaa xalay iyo saaka buux dhaafisay xaafadaha Hawlwadaag iyo Buundaweyn ee Beledweyne, kadib markii uu fatahaad sameeyay Webiga, waxaana halkaas barakac ka bilaabay shacabka ku nool xaafadahaaas.

Sidoo kale, xaafadaha Kooshin iyo Dhagax-jebis oo iyana ka tirsan magaalada Beledweyne, ayaa laga cabsi qabaa in ay saacadaha soo socda gaarto fatahaadda Webiga, waxaana dadweynaha ku nool bilaabeen barakac, si ay naftooda ugala cararaan fatahaadda.

Sannadihii u dambeeyay Webiga Shabeelle, wuxuu fatahaado kala duwan ka sameeyay magaalada Beledweyne, taas oo shacabka Beledweyne ku khasabtay in ay marar kala duwan ka barakacan gudaha magaalada.

PUNTLAND POST