London (Wararka PP) — Shirkadda xaawaladda WorldRemit ayaa iibsatay Sendwave, oo ah shirkad xawisha lacagaha. Sendwave waxaa sanadkii 2014kii asaasay Durbin Drew oo kaashaday saaxiibkii Lincoln Quirk.
Ujeeddada shirkaddu waxay ahayd in dadku si fudud lacago iskugu diri karaa iyagoo telefoonka gacanta adeegsanaya. WorldRemit waxay si rasmi ah ula wareegaysaa shirkadda marka hay’adda korjoogteynta tartammadu oggolaato. “WorldRemit iyo Sendwave waxay wadaagaan ujeeddada u fududaynta dadka inay lacag isu diraan” ayuu yiri Breon Corcoran, oo ah madaxa WorldRemit.

Intii u dhexeysay Juunyo 2019 iyo Juunyo 2020 WorldRemit waxay dirtay lacag ku dhow 7.5 bilyan oo doollar. WorldRemit iyo Sendwaves shatiyadooda lacag dirista Maraykanka gudahiisa ayaa dhan in ka badan 100 shati.
Ismaaciil Axmed, oo ah dhaqaaleyahan Soomaaliyeed, ayaa asaasay WorldRemit 2010kii. Ismaaciil waa halabuure ganacsi oo saamayn-badan leh sida ka muuqata horumarka WorldRemit samayaysay toban sano gudahood.
© Puntland Post, 2020
You must be logged in to post a comment.