Sii haya Xilka Ra’iisul wasaaraha oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug

Sii hayaha xilka xilka Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa Muqdisho kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Laba mas’uul  ay ka wada-hadleen xaaladda guud ee dalka iyo sidii dowladda Federaalka ay uga qayb qaadan lahayd Horumarinta Galmudug.

Sido kale, Qoraalka ayaa lagu xusay in  labada dhinac ka wada hadleen xoojinta xiriirka wada-shaqaynta Wasaaradaha heer Federaal iyo kuwa heer Dowlad Goboleedka Galmudug.

Siihayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka, ayaa isna Madaxda Galmudug ku amaanay shaqadii  ay qabteen mudadi koobnayd ee ay xilka hayeen, isagoo tilmaamay in ay garab u noqon doonaan hormarrada ka socda Galmudug.

PUNTLAND POST