Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta khudbad u jeediyay golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa golaha uga warbixiyay xaaladda Jubbaland, isagoo sheegay in wixii ka danbeeyay doorashadii madaxtinimad ay soo martay xaalado kala duwan, isla markana ay ka guulaysatay dagaal dhinacyo badan.
Waxaa uu intaas ku daray in khilaafkii ka dhashay doorashada xal laga gaaray, haddana si wanaagsan wax ku socdaan ,wuxuu hoosta ka xariiqay in weli isagoo tixgalinaya wax wada lahaanshaha iyo xasiloonida siyaasada uu dib u dhigay dhismaha holaha xukuumada.
Arimaha gobolka Gedo ayuu Axmed Madoobe sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in xal waara laga gaaro, inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, iyagoo tilmaamay in gacanta Jubbaland lagu soo celinayo gobolkaas, taas oo uu xusay in ay fure u tahay in xal kama danbays ah laga gaaro khilaafka mudada dheer u dhexeeyay Jubbaland iyo dowlada dederaalka ah.
Arimaha doorashooyinka ayuu Madaxweynaha Jubbaland sheegay in shirarkii Dhuusamareeb ay dadaal badan ku bixiyeen sidii go’aano loo dhan yahay loo gaari lahaa, balse balamahii shirkii Dhuusamareeb 2 oo aan hirgalin iyo xaalado kala duwan oo is biirsaday ayna u tegin wajigii saddexaad ee shirkaas.
Madaxweyne Axmed Madoobe, wuxuu sheegay in Muqdisho uu u yimid sidii xal kama danbays ah loo gaari lahaa isagoo si gaar ah uga mahad celiyay sida Aqalka Sare uu ugu istaagay in siyaasada laga heshiiyo.
Madaxweynaha dowlada federaalka ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowlad goboleedyada maqan ayuu ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii labada aqal ee baarlamaanka wada shaqayntooda loosoo celin lahaa.
Arimaha maqaamka caasimada iyo matalaadeeda ayuu tilmaamay Axmed Madoone in ay u baahan yahay in si wadajir ah loogu istaago iyadoo uu sheegay inay tahay shaqo laga gaabiyay sidoo kalana aan waxba laga qaban dib u eegista Dastuurka.











PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.