Dalalka Hindiya iyo Shiinaha ayaa Manata oo Sabtiya shaaciyay in ay ku heshiiyeen dejinta xiisadda ka aloosan xaduudda labada Dal, ka dib kulan ay yeesheen wasiirrada Difaaca labada Waddan.
Hindiya iyo Shiinaha ayaa bishii June ee sanadkan kordhiyay ciidamada ka jooga xadka buuraleyda galbeedka Himilaya, ka dib markii iska hor-imaad labada dhinac dhex maray kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 20 askari oo ka tirsan millatariga India. Shiinaha ayaan wali soo badndhigin khasaaraha dhankiisa ka soo gaaray iska hor-imaadkaasi.
Wasiirka difaaca Hindiya Rajnath Singh iyo dhiggiisa Shiinaha General Wei Fenghe ayaa xalay isku arkay shir ka dhacay magaalada Mosocw. Kulankaas ayaa noqday kii ugu horreeyay oo ay saraakiil sare oo labada dhinac si fool-ka-fool ah isku arkaan tan iyo markii ay ciidamada labada dal ay isku rasaaseeyeen xadka.
Wasiirka gaashaandhigga Hindiya ayaa sheegay in labada dhinac ay hadda ku heshiiyeen in aanan la qaadin tallaabo uga dari karta xaaladda ama ficil sii xumeyn kara xaaladda xuduudda labada waddan.
PUNTLAND POST