Dagaal culus oo dhexmaray Al-shabaab iyo Dadka Degaanka Shabeellow ee Gobolka Mudug

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dagaal culus oo Maanta ka dhacay Degaanka lagu magacaabo Shabeellow oo ka tirsan Degmada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa bilowday karb markii dableey hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen Degaanka Shabeellow waxaana Dagaalkaas ka dhashay Khasaare kala duwan.

Goob-joogayaal ku sugan Shabeellow ayaa laga soo xigtay in Al-shabaab dib looga riixa Degaanka kadib dagaal socday in ka badan shan saacadood oo xiriir ah kaas dhexmaray Al-shabaab iyo Shacabka Degaanka.

Khasaaraha kala gaaray labada dhinac ayaan weli xog sugan laga helin waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

PUNTLAND POST