Villa Somalia oo shaacisay wakhtiga uu furmi doono shirka Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed, ayaa shaaciyay in caawa uu si rasmiya u furmi doono shirka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Qoraal kooban oo Agaasimuhu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in labada dhinac ay xalay yeesheen kulan hordhac u ah shirka ay u ballansan yihiin caawa, oo ku saabsan arrimaha doorashada Soomaaliya ee 2021/2020.

Agaasime Cabdinuur, wuxuu sidoo kale qoraalkiisa ku xusay, in madaxweyne Farmaajo uu xalay kulan casho sharaf iyo soo dhoweyn ah Villa Somalia ugu sameeyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland

Madaxweyne JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland. Xalay ayay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo horudhac u ah kan caawa loo ballansan yahay” ayuu yiri Cabdinuur.

Shirka madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Puntland iyo Jubbaland, ayaa ku saabsan turxaan-bixinta tabashada Deni iyo Axmed Madoobe ka qabaan heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee arrimaha doorashada.

PUNTLAND POST