Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed , ayaa sida la sheegayo ku wajahan Magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka furmi doono Shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka.
Xarunta Madaxtooyada Muqdisho, waxa Maanta kulan gaar ah ku yeelanaya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland&Jubaland, waxaana Kulanka looga hadlaya Xallinta iyo Tuxaan-bixinta Tabashada Labada Maamul ka qabaan Heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee Arrimaha Doorashada.
Kadib Kulanka gaar u ah Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe, waxaa la filayaa in uu Muqdisho si rasmiya uga furmo Shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaas oo looga tashanayo Arrimaha Doorashada 2020/2021.
Mowduuca Shirka ayaa noqon doona Turxaan-bixinta iyo Xoojinta Heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo lagu go’aamiyay Hannaanka Doorashada soo socota.
PUNTLAND POST