Qodob kamid ah Dalabka Deni iyo Axmed Madoobe oo Farmaajo aad u diidanyahay

Saacadaha soo socda, waxa Xarunta Madaxtooyada Muqdisho ee Villa Somalia Shir uga furmaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Shirka waxa diiradda lagu saaraya Turxaan-bixinta Heshiiskii Dhuusamareeb 3 ee Arrimaha Doorashada, kaas oo ay ka maqnaayeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, islamarkaana ay sheegeen in aysan qayb ka ahayn.

Labada Madaxweyne, ayaa Kulan gaar ah oo ay Shalay la yeesheen Safiirka Maraykanka, waxay ku soo bandhigeen Qodoba kamid ah Heshiiska  Dhuusamareeb3, oo ay diiddan yihiin, iyagoo caddeeyay in ay heshiiska qayb ka noqon karaan haddii Qodobadaasi laga saaro.

Wararku waxay intaas ku darayaan, in Deni iyo Axmed Madoobe ay Farmaajo ka dalbanayaan in Qodobada ay diidan yihiin laga saaro Heshiiska Dhuusamareeb 3, si Heshiiska loo turxaan-bixiyo.

Dalabaadka Puntland iyo Jubaland, waxa kamid ah in Guddiga Xaliimo Yareey meesha laga saaro, islamarkaana la magacaabo guddi la isla ogolyahay oo Doorashada qabta, balse taas waxaa si adag u diiddan Madaxweyne Farmaajo.

Dadka Falanqeeya Siyaasadda  ayaa u arka in Qodobkaasi noqon karo kan ugu adag ee Shirka u keeni kara ismarin-waa iyo muran xooggan maadaama dhinacyadu ka taagan yihiin meelo aad u kala fog.

PUNTLAND POST