Madaxweyne Deni oo Muqdisho kula kulmay Xasan Shiikh iyo Shariif Xasan

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku booqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, oo ay weheliyaan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheikh Aaden iyo xubno ka tirsan Madasha Xisbiyada Muqdisho.

Madaxweyne Deni, waxaa booqashada ku weheliyay wefdigiisa, oo ka kooban wasiiro, xildhibaano la-taliyaal sare iyo saraakiil kale oo ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Kulan waxaa sidoo kale ka qeybgalay hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo aan kamid ahayn xisbiyada la magacbaxay Madasha Qaran.

 Wararku waxay sheegayaan, in kulanka labada dhinac looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada soo socota, inkastoo aysan dhinacyadu faahfaahin ka bixin kulanka.

PUNTLAND POST