Donald Yamamoto: Deni iyo Axmed Madoobe Qaswadayaal uma aqoonsanin

Safiirka Dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto, oo Shalay Kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, ayaa fasiraad dheeriya ka bixiyay War horay uga soo baxay Xafiiskiisa, oo uu sheegay in si qaldan loo turjumay.

Mr Yamamoto, wuxuu sheegay in ay been-abuur yihiin wararka ku saabsan in Maraykanku Qaswadayaal u aqoonsaday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, kadib markii ay ka baaqdeen Shirkii Dhuusamareeb 3.

Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in Qoraalkii ka soo baxay Safaaradda, ay si qaldan u turjumeen dad ujeedooyin gaar ah leh, kuwaas oo Deni iyo Axmed Madoobe ku calaamadiyay, balse aysan Maraykanku Qaswadayaal u aqoonsan labada Madaxweyne.

Donald Yamamoto, ayaa sidoo kale xusay in Qoraalka ujeedkiisu ahaa, sidii Madaxda Soomaalida loogu dhiirri-gelin lahaa, in ay horay u sii wadaan Shirarka la xiriira Arrimaha Doorashada, si Heshiis midaysan looga gaaro.

PUNTLAND POST