Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa Muqdisho kula kulmay, Safirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay, sare u qaadida Mashaaricda hormarineed, oo ay hay’addaha UK ka wadan degaannada Dowlad Goboleedka Galmudug .

Ambasador Ben Fender, Safiirka UK ee Soomaaliya, ayaa hogaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ku amaanay shaqada ay qabteen  muddadii ay xilka hayeen, wuxuuna balan-qaaday in UK ay si dhow ula shaqayn doonto Maamulkaas.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, oo maalmahan ku sugan magaalada muqdisho, ayaa waxana u kulamo kula leeyahay xubno ka socday beesha Caalamka, kuwaasi oo diirada lagu Sarayay in hay’addaha hormarinta Caalamka in ay xarumo ka sameystaan Galmudug, si ay uga qayb-qaataan hormarada ka socdo degaanka.

PUNTLAND POST