
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, oo goor dhoweyd gaaray Magaalada Muqdisho, ayaa haatan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kula shirsan Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto.

Warar hoose oo ay heshay Puntland Post, waxay xaqiijinayaan Labada Madaxweyne iyo Safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya ay ka wada-hadlayan Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada soo socota.
Sidoo kale, Deni iyo Axmed Madoobe, waxay kulamo kale la yeelan doonaan qaar kamid ah Safiirada Dalalka Shisheeye ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku jiraan Safiirada Turkiga iyo Talyaaniga.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, ayaa sidoo kale kulan gaar ah oo ku saabsan Arrimaha Doorashada la qaadan doona Madaxweyne Farmaajo, kaas oo lagu turxaan-bixinayo Heshiiskii Dhuusamareeb3.
Puntland iyo Jubaland ayaa midkoodna ka qayb-gelin Shirkii Dhuusamareeb 3, waxaana ay sheegeen in aysan qayb ka hayn Heshiiskii lagu gaaray Shirkaas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.