Sii hayaha Xilka Ra’iisul wasaaraha oo Kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Difaaca iyo Taliska Ciidamada Milateriga

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ah Sii hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Maanta oo Isniin ah kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaaradda Difaaca iyo Taliska Ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Sii hayaha Xilka Ra’iisul wasaaraha Dalka uu kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Difaaca iyo Taliska Ciidanka Milateriga.

Kulanka waxaa looga hadlay Dardar-gelinta iyo dhammaystirka Dib u-habaynta Ciidamada sida lagu sheegay Qoraalka xafiiska Sii haya Ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed.

PUNTLAND POST